Friday, November 20, 2009

War Degdeg ah: Wasiir ka tirsan Xukuumadda Somaliland oo geeriyooday

(Waridaad)-Wasiirkii Macdanta iyo Biyaha Somaliland Qaasim Sh. Yuusuf, ayaa maanta ku geeriyooday Magaalada Makka ee Sucuudiga.


Allaha u naxariistee sida uu sheegay Agaasimaha Wasaaradda Warfaafintu, Marxuum Qaasim Sheekh Yuusuf oo dalka Sucuudiga u tegay gudashada waajibaadka Xajka, ayaa halkaa ku geeriyooday.
Waridaad media centre

Thursday, November 19, 2009

Tacsi ka timi Jaaliyadda Somaliland ee Ottawa

(Waridaad)-Anagoo ah jaaliyadda Somaliland ee Ottawa, waxaanu tacsi tiiraanyo leh u diraynaa, ehelkii, qaraabaddii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuum Cabdi Xaaji Yasin, oo ku geeriyooday magaaladda Ottawa Salaasaddii bishu ahayd 17th November, 2009 @ 5:30pm.

Waxaa marxuumka aaskiisii ka soo qayb galay dadweyne tiro badan oo ka kala yimi goboladda Kanada. Waxaanu ilaahay uga baryeynaa inuu marxuumka janaddii Fardosa ka waraabiyo, qabrigana u nuuriyo, samir iyo iimaana inaga wada siiyo.

Aamiin Amiin Amiin,

Jaaliyadda Ottawa Somaliland

Axmed X. Axmed - Quick

Saturday, October 24, 2009

Komshinkii Qaranka oo lawada ansixiyey

(Waridaad)-Golaha Wakiilada Somaliland ayaa saaka Cod-aqlabiyad ah ku ansixiyay dhamaan Toddobada Xubnood ee loo soo xulay Guddida Komishanka doorashooyinka, kuwaasi oo Madaxweynuhu u todobaadkii ina faadhay uu Golaha Wakiilada u soo gudbiyay in ay ansixiyaan.


Magacyada xubnaha cusub ee la ansixiyay:

Magacyada saddexda xubnood ee madaxweynuhu magacaabay waxay kala yihiin:
1. Maxamed Axmed Xirsi Geele.

2. Eng: Ciise Yuusuf X.Maxamed (Egn; Ciise Xamari)
3.Faarax Abiib Aadan.


Labda xubnood ee golaha guurtidu soo xuleen waxay kala yihiin.

1.Raabi Shariif Cabdi Maxamed.

2.Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil.
Xubinta uu soo xulay xisbiga Kulmiye waa:



1.Cali-Khadar Xasan Cismaan


Xubinta Xisbiga UCID


2.Cabdifataax Ibraahim Xasan.


Waridaad media centre

Saturday, October 03, 2009

Xubno iska casilay Komishinka Qaranka

(Waridaad)-Ismaaciil Muse Nuur oo ah xubintii laga soo magacaabay madaxtooyadda iyo Khadar Maxamed Guuleed oo uu soo magacaabay xisbiga UCID, ayaa maanta si rasmi ah isaga casilay xubinnimaddii iyo xilalkii ay ka hayeen Komishinka Qaranka.

Waxaa ilaa iminka la sugayaa xubinihii abuuray ismaandhaafkii siyaasadeed ee dalku galay, kuna sigtay in uu burbur gaadho oo weli muusanaab iyo reer baan ku nimi la soo taagan.

Waxaa heshiishkii sadexda xisbi qaran kala saxeexdeen ka mid ah in komishinka la bedelo, xisbiyadduna ku heshiiyeen, taasoo kalsoonidii Komishinka baabi'isay.

Waridaad media centre

Friday, September 25, 2009

DEG-DEG - Kulmiye iyo Ucid oo guulaystay

(Waridaad)-Waxaa saaka ku soo galay dhuumasho golaha Guurtida xildhibaanaddii muxaafidka ahaa oo dhamaan xalay seexday gurigii cusbaa ee ina Riyaale dhistay ee ka danbeeyey golaha Guurtida iyo shacabkii oo isoo bax iyo isuruursi ku jira.

Madasha golaha markii xildhibaanadu ku soo dhamaadeen ayaa codkii mudo kordhinta la qaaday laguna ansixiyey in mudada Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisu noqoto bil lagu daray mudada Server-ka ay khubaradu ku hagaajiso, isla xiligaana doorashadu dhacdo taasoo waafaqsan heshiiskii sadexda xisbi wada qaatay ee deeqbixiyayaashu soo jeediyeen.


Wixii ka soo baxa halkan kala socda.

Waridaad media centre


Thursday, September 24, 2009

Labada Xisbi Mucaarid Ayaa Caawa Ku Dhawaaqay Inay Aroorta Dhisayaan Dawladd Ay Leeyihiin

(Waridaad)-Labada Guddoomiye Xisbi Axmed Siilaanyo iyo Feysal Cali Waraabe oo shir jaraa’id caawa ku qabtay Hargeysa ayaa ku hanjabay Golaha Guurtidu haddii ay joojin waayaan aroorta codka ay u qaadayaan inay sanad ugu kordhiyaan Madaxweyne Rayaale inay dhisanayaan Dawladd labada ka kooban.

Sidoo kale waxa ay dadweynaha iyo taageerayaashooda ugu baaqeen aroorta salaada subax inay isugu soo baxaan mudaharaad ay ku xidhayaan jidadka soo gala Golaha Guurtida iyo Madaxtooyada iyo Gobolada oo dhan si ay uga hor istaagaan xildhibaanadu inay fursad ugu helaan inay sameeyaan muddo kordhin.

Qoraal wada jir ah oo ay arrimahaasi kaga hadlayeen oo ay akhriyeen hogaanka labada xisbi ayaa waxay ku sheegeen talaabooyinkaasi inay u qaadayaan Madaxweyne Rayaale oo diiday heshiiskii saddexda Xisbi shalay wada aqbaleen ee ay beesha Caalamku u soo jeediyaan si ay Doorashadu ugu dhacdo wax heshiis lagu yahay.

Waxaanay labada Xisbi dusha ka saareen wixii dhib ah ee ay arrintaasi keensato inuu Madaxweynuhu Masuul ka yahay.

Waridaad media centre

Tuesday, September 15, 2009

Madaxdhaqameed, odayaal iyo Ganacsato ka Tirsan 18-ka Ardaa Beesha Habaryoonis oo ku Dhawaaqay in ay ka soo horjeedaan Siyaasadda Rayaale

(Waridaad)-Maxay ka yidhaahdeen tuhunka taageerada beesha ee Xukuumadda Rayaale iyo Aragtidooda Xil-ka-qaadista Guddoomiyaha Wakiillada?

“Haddii aannu nin Habaryoonis ah oo dawladda ku jiraa dhibaato wadin, meel Habaryoonis ay isugu timi oo tidhi dadka aynu ka gaar noqono, markii la isweydiiyey waa la waayey”
Suldaan Maxamed Sul. Xasan Bulbul

43 xubnood oo isugu jira madaxdhaqameed (salaadiin iyo cuqaal), ganacsato, aqoonyahan iyo odayaal ka kooban 18-ka ardaa ee beesha Habaryoonis, ayaa ku dhawaaqay inay si buuxda ugasoo horjeedaan siyaasadda ay ku socoto xukuumadda Madaxweyne Rayaale, isla markaana ka digay weerarka xukuumadda ee Golaha Wakiillada.
Kulan ballaadhan oo xubnahaasi ku yeesheen huteelka Xamdi ee magaalada Hargeysa, waxay shaaca kaga qaadeen in aanay beesha Habaryoonis xukuumadda talada haysa ku taageerayn siyaasadda khaldan ee ay ku socoto, isla markaana uu jiro tuhun khaldan ay ka qabaan beelaha kale ee reer Somaliland oo ah in beeshu gar iyo gardaraba xukuumadda talada haysa ku garabtaagan tahay oo ay dhabteeda ku fadhido. Waxa kale oo ay ka digeen cawaaqib-xumo ka dhalan karta gulufka xukuumaddu ku hayso Golaha Wakiillada ee shacabka matalaya, gaar ahaan Guddoomiyaha golaha oo hayb ahaan ka soo jeeda beelahaas.

Shirkaas oo ay ka hadleen salaadiin, ganacsato, aqoonyahan iyo odayaal ka tirsanaa kuwii ka qaybgalay, waxay isku arti ka noqdeen in beesha Habaryoonis ula siman tahay xukuumadda beelaha kale ee Somaliland oo aanu jirin wax dheef ah oo ay ku qabaan, dhib mooyaane.
Suldaan Maxamed Suldaan Xasan Bulbul, ayaa sheegay in shirkaasi laba qodob oo muhiim ah lagu lafo-guray, kuwaas oo ay si buuxda isula qaateen dadka ka qaybgalay oo uu ku sifeeyey muraayadda beelaha Habaryoonis.

Suldaan Maxamed Suldaan Xasan Bulbul waxa uu sheegay in aanay habayaraatee jirin dhibaato beelaha Habaryoonis wado iyo meel ay isula qaadatay inay dadka kale ee Somaliland ay gaar ka noqoto midna.

“Shirkan laba qodob ayuun baa lagaga hadlay, ka kowaad waxa weeye dadku waxa uu inoo haystaa Habaryoonis inay dhibaato ummadda ka gaar ah iyadu wado. Qodobka kale waa ninka Guddoomiyaha Baarlamanka ah ee Habaryoonis oo isna hadalkiisa lagu soo qaaday. Labadaa xaalaba meel baa la dhigay,” ayuu yidhi Suldaan Maxamed Sul. Xasan, waxaannu intaa ku daray, “Waxaan horreysiinayaa dhibaato ayey Habaryoonis wadaa dadka ka dheeraad ah, taa waa la isweydiiyey, haddii nin Habaryoonis ah oo dawladda ku jiraa aannu dhibaato wadin, wax Habaryoonis ah oo meel isugu yimi oo yidhi dadka aynu ka gaar noqono oo aynu dhibaato samayno, markii la isweydiiyey waa la waayey taas, wax ummadda ka mid ah oo nabadgelyo doonaya oo aan ku tashanin xumaan bay noqotay Habaryoonis, taa waa la waayey.”

Suldaan Maxamed waxa uu si kulul u cambaareeyey tallaabadii xukuumaddu ku xidhay Golaha Wakiillada iyo tacadi uu sheegay in loo geystay Guddoomiyaha Wakiillada, kaas oo uu tilmaamay in aanay ka raali ahayn, una dulqaadan doonin.
“Madaxdu waxay ka doodaa oo ay wax iska tidhaa warbaahinta, laakiin nin masuul ah oo gacanta loola tagay isaga ayuun baa jira. Haddaba haddii isagu gardaran yahayna inaga ayaa qabanayna, haddii lagu gefayna in aan dib loogu gefin ayaa la isku raacay,” ayuu yidhi Suldaan Maxamed Sul. Xasan Bulbul.

Suldaanku waxa kale oo uu ka hadlay dadkii dhibaatadu ka soo gaadhay mudaharaadkii Sabtidii Hargeysa ka dhacay oo uu sheegay in cidii geysatay aan la cafiyi doonin. Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Dadkii maalintii dhaweyd waxyeeladu gaadhay wixii dhintay iyo wixii dhaawacmay labadaba tacsi ayaanu u diraynaa ee Ilaahay ha ka cafiyo, wixii ku gardaroodayna aakhiro iyo ifkaba waa laga jasaa’i siin doonaa.”

Oday Cabdi Yuusuf Jaamac oo kulankaas ka hadlay, ayaa isaguna meesha ka saaray inuu jiro qorshe beesha Habaryoonis isu ogtahay oo ah inay taageero buuxda siiso xukuumadda talada haysa.

“Tuhun laga inaga qabo ee ah in beeshani duulaan ku tahay beelaha kale ee Somaliland degan, xukuumadda maanta jirtana xoog ku difaacaysa. Taa waxaannu leenahay beelaha Somaliland-now idinka oo dhan arrinkaasi waa tuhun ee midh aannu qabno maaha, meel beeshu ku go’aansanay in lagu difaaco dawladda ma jiro, wax dhacaya oo aanu diyaar u nahayna maaha, haddii cid laga maqlay iyo haddii ay xamxam ahaydba, waxaannu halkan ka caddaynaynaa in aannu arrinkaas waxba ka jirin,” ayuu yidhi Cabdi Yuusuf Jaamac, waxaannu intaa raaciyey isagoo ka hadlayey aragtidooda ku wajahan Golaha Wakiillada iyo qorshayaasha xukuumaddu ku burburinayso, “Ta labaad ninka Shirguddoonka ah ee Cabdiraxmaan Cirro waxa dhacday in lagu soo xadgudbay, waxa dhacday in Golihii Wakiillada ee shacabku doorteen oo haddii qiyaas la qaado ka taageero badan xukuumadda inay rag u adeegsatay oo daaqadaha uga dhacay oo Baarlamankii xidhay. Cabdiraxmaan Cirro, Shirguddoonka iyo Golaha Wakiilladaba caawa [xalay) taageero buuxda ayaanu siinaynaa, sababta oo ah sharcigii loo doortay ayey wadadiisii mareen.”

Ganacsade Cali Ducaale Faarax oo kulankaas ka hadlay, ayaa isaguna ku raacay odayaashaas hore in tuhun khalad ah laga aaminsan yahay beelaha Habaryoonis iyo taageerada ay u fidiyeen Guddoomiyaha Wakiillada oo uu sheegay in la dulmiyey, waxaannu yidhi; “Hadalka badan ee soo baxay ee leh nidaamka jiraa dhabta Habaryoonis ayuu ku fadhiyaa, waxaannu caddaynaynaa in aannu annaga dhabtayada nidaamkaasi ku fadhiyin, wax gooni ah oo aannu ku qabno oo aannu dhabtayada ugu fadhiisinaana ma jiro, waxaaba laga yaabaa in nidaamkani dhibaatada ugu badan inagu hayo. Ta kale in Guddoomiyaha Golaha Wakiillada la dulmiyey shaki kuma jiro oo daaqada looga soo dhacay, waxaan leeyahay walaalayaal aynu manaasibta ixtiraamno.”
Sidoo kale, waxa shirkaas ka hadlay Oday Xaaji Maxamed Ducaale (Golos), Guddoomiyaha beesha Muuse Cabdalle Xariir Jaamac Yasir, Caaqil Farxaan Xasan Cabdi iyo Oday Aadan Cumar Dayuur, kuwaas oo dhammaantood la fikrad ahaa odayaasha hore.

G/Wakiilada Somaliland Oo Ansixiyay Inay Ku Sii Shaqeeyaan Kal-fadhi Aan Caadi Ahayn Iyo Xildhibaanada Muxaafidka Ah Oo Mar Kale Cod Lagu Muquuniyay.

(Waridaad)-Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta ansixiyay inay muddo bil ah oo kale ku sii shaqeeyaan kalfadhi aan caadi ahayn,ka dib markii ay dhammaaday kalfadhigii aan caadiga ahayn ee aydhawaan galeen. Markii uu dhamaaday kalfadhigoodii 9-aad.

Fadhigan maanta oo uu Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (C/Raxmaan Cirro) waxa madasha ku sugnaa 70 Mudane, waxaana goob joog ka ahaa fadhigaas Salaadiintii ku hawlanaa xal u helida khilaafaadka Golaha.

Fadhigan oo ku qabsoomay jawi degan hadal uu Guddoomiyuhu u jeediyay Mudaneyaasha Golaha Wakiilada ayuu Dhambaalo tacsi ah u diray eheladii qoysaskii dadkii ku dhintay mudaharaadkii lagu taageerayay Baarlamaanka ee ka dhacay magaalada Hargeysa Sabtidii todobaadkan, waxaanu dadkii ku dhintay eebe uga baryay inuu samir iyo iimaan ka siiyo, qoysaskoodii iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeena uu samir iyo iimaan ka siiyo.
Sidoo kale wuxuu ilaahay uga baryay inuu caafiyo dadkii iyo askartii ku dhaawacantay mudaharaadkaas.

Md. C/Raxmaan Cirro, wuxuu u mahad celiyay salaadiinta Somaliland ee ka hawl galay wax uu ku tilmaamay dib u furista Golihii Wakiilada ee sifaha sharci darrada ah lagu xidhay, waxaanu tilmaamay in kulamo is daba joog ah oo ay yeesheen Golaha iyo Salaadiintu ay isku raaceen qodobo dhawr ah waxaanu yidhi “In la isa saamaxo, in Goluhu si caadi ah u furmo oo uu hawlihiisa u guto, In Shir-gudoonku aqbalo cabashooyinka Mudaneyaasha muxaafidka ah, taasi oo uu shirgudoonkuna aqbalay.”

Guddoomiyaha Wakiiladu wuxuu cambaareeyay talaabo saaka saacadihii u hore ciidanka Boolisku Saxaafada ugu diiday inay galaan golaha.

Intaasi ka dib waxa Goluhu dhegaystay laba Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland oo kala ah Mudane Cali Maxamed Aadan (Cali Barre) iyo Mudane Maxamed Jaamac, kuwaasi oo soo kala jeediyay laba fikradood oo kala ah in Goluhu fasax galo oo aanu qaadan mar kale kal fadhi aan caadi ahayn iyo in Goluhu uu galo kalfadhi aan caadi ahayn si uu u gudo galo arrimo badan oo muhiim ah.

Guddoomiyuhu wuxuu ku dhawaaqay in cod loo labadaasi fikradood, oo ay kala wateen mudaneyaasha mucaaridka ah iyo kuwa muxaafidka ahi.

36 Mudane ayaa ogolaaday in Goluhu galo kalfadhi aan caadi ahayn, kuwaasi oo ahaa Mudaneyaasha Mucaaridka ah, halka 32 Mudane oo muxaafid ahina ay soo u coddeeyeen in Goluhu galo fasax bil ah. Hase ahaatee waxa meel maray hindisihii mucaaridku soo dhigeen ee ahaa in Goluhu galo kalfadhi aan caadi ahayn.

“Codayntani waa dhoola tuska mooshinka maamuus ka xuyuubinta Madaxweynaha ee golaha Horyaala, waxaana cad in Mudaneyaasha mucaaridka ahi ay raaci doonto gacanta sare,”sidaasi waxa yidhi Mudane Siciid Cilmi Rooble.
Waridaad media centre